DEG DEG Cod:Dab khasaaro xoogan dhaliyay oo xiligaan kasocda Warshadda Isbuuyada Mubaarak

Wararka naga soo gaaraya Dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxaa goor dhaw dab uu ka kacay warshadda isbuunyada Mubaarak xarunteeda dagmada hiliwaa ee magaalada muqdisho.

Goobjooge ku sugan nawaaxiga xarunta ayaa Baahin usheegay in dabku wali uu olalayo isla markaana ay soo geereen ciidamada amniga dagmada iyo gawaarida dab damiska ah ee gobolka banaadir iyo kuwa shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyada oo aan wali lagu guulaysan bakhjiitinta Dabkaas.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxaana wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in dabkaasi uu kaco sida Baahin ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Warshadda isbuunyada Mubaarak, sidoo kale Waxaa wali la ogayn Khasaaraha nafeed marka laga soo tago in uu jiro mid hantiyadeed.

Saameynta ugu badan waxa uu soo gaaray School-ka  Hooyga Xmar iyo Guryihii kale ee ka ag dhawaa Xarunta Waana Markii labaad ee xarunta warshadaasi uu qabsado dab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay