DEG DEG: Ciidanka S/land Oo Toogasho Ku Dilay Dad Kasoo Jeeda Qowmiyada Oromada

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidanka Soomaaliland ay toogteen Labo qof oo udhashay Qowmiyada Oromada.

Labada Qof Ee Oromada la dilay waxay ahaayeen kuwo si xoog ah ku doonayey inay kaga soo gudbaan Koontaroolka Caabud La’ Ee Galbeedka Soomaaliland.

Ciidanka Ilaalada ka haya Koontaroolkaasi ayaa rasaas ku furay dadkaan oo keentay in labadaasi qof ay ku dintaan Xabadihii la furay.

Durba Arintaan waa la siyaasadeeyey,waxaana la sheegayaa in Dadka Oromada la dilay ay ku lug leedahay dad la laayey Talaadadii oo Somaaliland ka tegay oo Gobolka Oromada Itoobiya kusugnaa.

Naga filo warar dheeraad ah hadii ay soo kordhaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)