DEG DEG: Ciidanka NISA oo qabtay Gaari la aaminsan yahay in uu miineysan yahay oo

Ciidamada Nabad sugida ee ku sugan Barta Kontarol Maslax ee duleedka Muqdisho ayaa la sheegayaa iney gacanta ku dhigeen Gaari looga shakisan yahay iney ku raran yihiin walxaha Qarxa.

Gaariga oo ah nuuca Soomaalida u taqaano Hoomeyda “Caasiga” ayay Ciidamada qabteen xilli uu doonayay inuu Muqdisho soo geliyo Khudaarta loo yaqaano QARAHA Ama Xab Xabka,waxaana hadda ku socda baaritaan,sida illo xog ogaal oo amaanka ah inoo sheegayaan.

Laamaha Amaanka Dowladda Federaalka ayaa diiday in gaari ka yimaado Gobollada dalka uu soo galo magaalada Muqdisho wuxuu doona ha sidee,halka gaadiidka waa weyn ee sida Xamuulka looga daabulayo gaari dameeri si loo soo geliyo magaalada Muqdisho.

Waxaana sidoo kale,Dadka ragaabka ah lagu soo dejinayaa Xerada Maslax oo ah Fariisin Ciidamada Nabad sugida ay ka adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Waxaa xooggaa gaabis ku yimid Qaraxyadii magaalada Muqdisho ay ka geysan jireen Al-Shabaab,inkastoo dilalka qorsheysan ay sidoodii u sii socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here