DEG DEG: AlShabaab hubeysan oo Goordhow DF Soomaaliya Isku dhiibay

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ,ayaa ku soo warramayaa in Saraakiisha dowladda ee halkaa ku sugan uu isku soo dhiibay Madaxii Sakawaatka Al Shabaab.

Sarkaalkaan isi soo dhiibay ayaa Magaciisa lagu sheegay Ismaaciil oo Al Shabaab u qaabilsanaa Sakawaatka Gobolka Gedo.

Sarkaalkaasi ayaa waxaa la socday oo wehlinayay Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku waas oo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo iska soo dhiibay.

Shalay ayey ahayd markii la sheegay in Howlgal qorsheysan Ciidamada Dowlada Federaalka ku  dileen taliyihii Ciidamad Al Shabaab ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Khanaas.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)