DEG DEG: 30 qof oo goordhow ku dhimatay duleedka Magaalada Baydhabo

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Masuubiye oo u dhaxeeya Awdiinle iyo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen Dad biyo ka cabay War-biyood la sumeeyay.

Waxaa lasheegayaa in ilaa 30 Qof ay ku dhimatay War-biyoodkan la sumeeyay, kuwaas oo isugu jira Haween, Caruur iyo Dad Da’ah, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Dhanka kalena wararka ayaa waxa ay sheegayaan in 10 Qof oo kale ay xaaladooda caafimaad tahay mid daran, maadaama ay isticmaaleen Biyaha laga soo dhaamiyay War-biyoodka sumeysnaa.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)