Dayax Madoobaad saacadaha soo socda laga arkayo meelo ka mid ah caalamka

Dayax Madoobaad heerkiisu sareeyo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga arko caalamka meelo ka mid ah sida ay sheegayaan khubarada ku taqasusay cilmiga hawada.

Dalalka ku yaalla Koofurta America ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee dayax madoobaadkan laga arki doono.

Dadka cirka daawanaya ee jooga dalalla Chile iyo Argentina ayaa arki doona Bisha oo si toos ah ugu aaday dayaxa oo aan wax ileys laheyn kana dhigi doona mugdi.

Qof walba oo nasiib u yeesha in uu joogo marinka uu Dayaxu ka madoobaan doono ayaa daawan doona sida uu dayaxu mugdi isugu badelay.

Cilmiyaqaanadda ayaa dadka ku boorinaya in ay taxa daraan inta dayax madoobaadku jiro, sababtoo iftiinka dayaxa ayaa waxyeeli kara indhaha muddo eegayay madoobaadka.

Dadka Koofurta America ayaa u arka in uu fursad muhiim ah u yahay Dayax madoobaadku, balse waxaa sidaas si duwan looga dhaqmaa dunida muslimka ah marka uu dayaxu madoobaado.

Diinta Islamka ayaa jideysay in Salaad la tukado marka uu dayaxu madoobaado, islamarkaana la duceysto iyadoo ilaaheey laga baryayo dambi dhaaf.

Meelaha dayax madoobaadkan laga arki doono kuma Jirto Somalia iyo Afrika oo dhan, sidoo kale dayax madoobaadkan caalamka intiisa badan lagama arki doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here