Dawlada Kenya Oo War Culus Kasoo Saartay Dagaalkii Ceel Waaq iyo Reer Gedo Oo Xanaaqsan

Dawlada Kenya ayaa war kasoo saartay Dagaalkii Saaka Aroortii ka dhacay Degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo,waxaana la sheegay inay soo saartay kenya war la yaab leh.

War Saxaafada ay heshay ayaa Kenya ay ku beenisey in Ciidankooda saaka weerar ka geysteen dhinaca Ceel waaq ila xalay askartooda ahna aysan Xerada ka bixin.

Saraakiil uhadashay Taliska Kenya Ee Xuduuda kusugan ayaa been abuur ku sheegay warar la isla dhexmarayey oo ahaa in Ciidan Kenyaan ah Saaka beegsadeen Fariisimo ay ku lahaayeen Ceel waaq Ciidanka Meliteriga Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in Ciidankooda aan lagu Eedeyn karin weerarkii Maanta ka dhacay Ceel waaq,waxaana dadka deggan Meesha wax ka dhaceen ay sheegeen in ay arkayeen Ciidan la weji aqoonsan karo oo Kenyaan ah in dagaalkaasi la galeen Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf Ilkacase ayaa ku naf waayey Dagaalkii Saaka ka dhacay Ceel waaq ay la galeen Ciidanka Kenya waloow Kenya beenisey Ciidankooda weerarkaasi geysteen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay