Home ARIMAHA BULSHADA DARAASAD Cusub: Dadka Bidaarta Leh & Kuwa Cirada Leh Oo Lasoo Ogaaday...

DARAASAD Cusub: Dadka Bidaarta Leh & Kuwa Cirada Leh Oo Lasoo Ogaaday Xog Kusaabsan

41
0

Waxaa hubaal ah in mar un tintaadu cirroobeyso, dadka qaar marka ay cirro madaxooda ku arkaan waxaa ku bilowda walwal ah in ay dhanka duqnimada ay usii dhawaanayaan iyadoo ay jirto in dhalinyaro yaraantooda ay uga soo baxdaa iney jiraan.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa la soo bandhigay sababo tiro badan oo keena cirada oo ay ka mid tahay unugyada midamka timaha soo saara oo shaqadooda joojiya, laakiin cidina ma aaney sheegin sabab faahfaahsan oo lagu qanci karo.

Hadaba, koox saynisyahanno ah ayaa waxay heleen furfurka hal-xiraalaha sababta rasmiga ah ee cirrada iyo bidaarta keenta, waxayna soo saareen daraasad cusub oo lagu daabacay jariidada “Genes & Development“.

Kooxdan saynisyahannada ah oo ka tirsan jaamacadda “University of Texas Southwestern Medical Center” oo sameynayay cilmibaarisyo ku saabsan cuduro naadir ah oo ay ku tijaabinayeen dawooyin kooda ‘jiirka shaybaarka‘, ayaa waxay arkeen protein loo yaqaanno KROX20 oo isbedelay gudaha ugunyada jirka, waxaanuu sidoo kale soo saaraa protein kale oo ka howlgalay ugugyada factor-ka ee Stem Cell factor loo yaqaanno.

Dr. Lu Li oo ah cilmibaare iyo Professor ka tirsan markaska caafimaadka koonfureed ee jaamacadda Texas ayaa yiri: “Iyadoo ay jirto in mashruucan uu ku bilowday markiisii hore isku day la doonayay in lagu fahmo habka ay u sameysamaa noocyo cudurro gaar ah, ayaa hadana ugu dambeyn natiijadii ay nala gaartay inaan ogaanno sababta cirrada angoo helnay uruyada sida tooska ah uga mas’uulka ah arrintaas.”

Waxa uu intaa sii raaciyay : “Waxaan u baahan nahay inaan sameynno cilmibaarisyo kale, in tijaabada aan sameynay ay aadnaha ku dabaqmeyso iyo in kale. Waxaan dooneynaa inaan aqoontan ku gaarno mustaqbalka inaan helno hab dabiici ah oo lagu hagaajin karo cilladahaa qurxinta u baahan.”

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here