Dal lagu dilay 382, halka 908 Qof lagu dhaawacay, Ogow Dalkaas

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Bishii lasoo dhaafay ee Januaray dalka Ciraaq lagu dilay 382 qof oo shacab ah.

Warbixin Cusub oo uu soo saaray Xafiiska howlaha Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Ciraaq ee Marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (UNAMI) ayaa lagu sheegay in dhibaatada soo gaaraysa dadka shacabka ee kunool dalka Ciraaq ay kordheen bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa xustay in Bishii Januaray dalka Ciraaq lagu dhaawacay tiro ka badan 908 qof oo shacab ah.

Dadkaan badankood ayaa ku dhintay Qaraxyo iyo sidoo kale Weeraro ka dhacay dalka Ciraaq.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)