Dagaalkii Ceel Waaq Oo Gaashaanle Caan Ahaa Lagu Dilay iyo Xaalada Oo Sii Xumaaneysa

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa lasoo sheegayaa in Xaaladu ay duhurnimadaan tahay mid yara deggan.

Dagaalkaasi ayaa waxa la sheegay in uu dhexmaray ciidanka Dawlada Soomaaliya iyo Kuwa Ciidanka Kenya waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha Meliteriga Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inay waayeen mid ka mid ah Halyeeyada Howlgelinta Ciidanka Dawlada Soomaaliya Ee Kusugnaa Gobolka Gedo.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Ilkacase ayaa la xaqiijiyey in Dagaalkaasi uu ku dhintay iyadoo Askar badan ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Waxaa la sheegay in ciidanka Kenya dhankooda ay ku waayeen Askar weerarka ay soo qaadeen,waxaana xaaladu ay tahay mid yara deggan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay