Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Afgooye//Rasaas La Maqlayo & Shabaab Oo Gudaha Ugalay…

Wararka inaga soo gaaraya Maqribnimadaan Gobolka SH/Hooose ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu ka socdo duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey Kadib weerar saf ballaaran ay soo qaadeen Shabaabka oo ay beegsadeen Fariisimo Ciidanka Dawlada kusugnaayeen.

Deegaan Dhinaca Galbeedka Afgooye kaga beegan ayaana ay ka sharqameysaa Rasaasta nuucyadeeda kala duwan waxaana la ogeyn khasaaraha inta uu la eg yahay.

Dagaalkaasi ayaa waxa la sheegay in Galabta 5:00 uu bilowday Maqribkii markii laga soo baxayana la maqlayey Rasaas dhaceysay.

Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan degmada Afgooye weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay