Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan & Xiisad wali halkaa ka jirta

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas saakay uu dagaal kooban ku dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan hoostaga Demada Jawiil ee Gobolka Hiiraan, waxaana la dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka u dhexeeyay Maleeshiyaadka ay ku dhinteen laba ruux, halka qof kale dhaawac uu soo gaaray, waxaana la shegayaa in ruuxaas uu kamid ahaa dadka ku dhaqan halkaas.

Weli lama oga waxa uu ka dhashay dagaalkii saakay deegaan hoostaga Degmada Jawiil ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed hubeysan oo halkaas ka wada dega.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku aadan dagaal kooban oo ka dhacay deegaan hoostaga Jawiil.