Dagaal Cusub Oo Ka Dhex Qarxay Golaha Shacabka & Xukuumada,Jawaari Oo Markaan Helaya Taageero Kale

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay maanta kala direen gudigii Miisaaniyada Ee Maaliyada golahaasi,taas oo shaki kale Abuureysa.

Dagaalka cusub Ee Siyaasadeysan ayaa dib uqarxay oo Golaha Sharci dejinta iyo Xukuumada Ka dhex Aloosnaa balse waayahaan Dagaal Qaboow Ahaa.

Waxaa Jawaari uu ku baxay Buuq Siyaasadeysan oo bilo ka hor laga riday Kursigii uu ku fadhiyey,ayna doonayaan inay Xukuumada Cidii ka daba hadashaa ay qoorta udheereynayaa.

Gudiga maanta la kala diray ayaa dhawaan waxay warbixin fashil Ah kasoo bandhigeen Musuq ay sameysay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

C/weli Ibraahim Muudeey ayaa la rumeysan yahay inuu katirsan Xisbiga Nabad iyo Nolol taas oo ay ku biireen Mahad Cawad oo markii Jawaari la ridayey La safnaa balse Waayihii dambe Xukuumada Kheyre Dhiil fiican la galay.

Gudiga Maaaliyada ayaa waxaa maanta ay ku baxeen Kala dirista Warqad uu soo saaray Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee baarlamaanka C/weli Muudeey,lamana oga sida xaalku noqon karo.

Warar ayaa sheegaya in Xubnaha Gudiga La kala diray oo ka koobnaa 18 Xubnood ayaa waxa la filayaa in Warbaahinta la hadlaan iyo sida ay wax udhacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here