Dagaal Culus Oo Garowe Ku Dhexmaray Ciidamada P/land iyo Dableey Hubeysneyd+Khasaaraha

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Nugaal General Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa saxaafada usheegay inay kala kulmeen iska Caabin Koox Maandooriyaha ka ganacsada.

Waxa uu sheegay in Haweeneey ay ku geeriyootay israsaaseynta islamarkaana labo Askari oo Xasilinta lagu dhaawacay hadana la dabiibayo.

Ma uusan sheegin Taliye Muxuyadiin inay soo qabteen kooxdii Ay La dagaalameen iyo howlgalka ay fuliyeen.

Waxa Dawlad Gobolleedka Puntland ay sheegtay inay la hadleyso Ehelka Haweeneyda ka geeriyootay mag inay Bixiyaana ay diyaar u yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here