Dadka Somali-land iyo Puntland Yaa Jaad Cunis Badan, Haatan Ogow

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo kamid ah Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana Maanta Qudbad ka horjeediyay Baarlamaanka ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Qaadka uu dhibaato ku hayo Ummadda Soomaaliyeed  islamarkaana Qaadka ugu badan laga Cunno Puntland iyo Somaliland.

“Aniga waxaan soo noqday Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiradda Qorsheynta iyo Maaliyadda Puntland,waxaan aqaanaa Maamul iyo Hogaamin intaba”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale Qudbadda C/raxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland Marna Baarlamaanka kama Codsan in ay Codkooda siiyaan,Maadaama Musharaxiinta oo dhan ay Codka weydiisanayeen Baarlamaanka 10-aad.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)