Dad ku dhintay dabaaldegyadii ka dhacay gudaha Somaliya iyo Hub la isku ….

khaasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay dabaaldegyo xalay ka dhacay magaalooyin badan oo ka mid ah gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

Magaalooyinka ay dadka ku dhinteen waxaa ka mid ah  degmada Cabud waaq ee Gobolka Galguduud,waxaa halkaas ku dhintay hal qof dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Degmada Baran ee Gobolka Sanaag,waxaa ku dhaawacmay djowr qof oo kale ,waxaana dadkaas ay ku dhaawacmeen Rasaas dabaaldeg dartiis loo ridayay.

Magaalooyinka Muqdisho,Boosaaso,Garoowe,Laascaanood,Gaalkacyo,Baladweyne,Nairobi iyo meelo kale oo caalamka ah ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xalay ilaa saqdii dhexe dadka Muqdisho iyo Ciidankuba  ma aysan seexan waxaana dadka iyo Ciidanka oo isla saaran gaadiidka Ciidanka ay kor u ridayeen rasaasta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa shacabka la hadlay doorashada kaddib,waxaana uu ku wargeliyay in la joojiyo rasaasta,waxaana uu raalli gelin ka bixiyay dhowrkii maalmood ee ay magaalada banddowga ku jirtay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)