Daawo:Warkii ugu farxada badnaa caawa Dalxiisayaal Ajaaniib ah oo farabadan oo muqdisho Uyimid in ku dalxiisaan

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyay 27 dalxiisayaal u dalka Shiinaha, oo maalmahaanba dalxiis u joogay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan, oo welbia geeyay goobo farabadan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale.

Wasiir Yariisow ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadkii suurtogeliyey dalxiisayaashan Shiinaha ah ee keenay Muqdisho, tanoo ah tallaabo ku dayasho mudan, noogana baahan inaan caalamka tusno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah oo dalxiisayaasha caalamka ay iman karaan.”

Wasiir Yariisow oo la hadlay dalxiisayaashan ayaa yiri “Soomaaliya waxay ahaan jirteen dal ay caalamku u soo dalxiistagaan, waxaana idinka rabnaa inaad noqotaan safiiro noo suurtogeliya in dalxiisayaal kale ku soo dhiiradaan oo yimaadaan dalka, bacdamaa ay Soomaalidu ku wanaagsantahay soo dhoweynta, abuurista ganacsiga iyo iyadoo cimilada iyo goobaha dalxiiskaba ay diyaar u yihiin soo dhoweyntiina.”

Yariisow ayaa dalxiisayaasha u sheegay in Muqdisho ay ka furnaan jireen Makhaayado Shiinees leeyihiin oo caan ku ahaa raashinka Shiinaha, haddana ka codsaday dalxiisayaasha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)