Daawo:Wakiillada B/Caalamka oo la kulmay C/Raxmaan Cirro & ugaarsi ku bilowday xisbiga Wadani

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa aad isha loogu hayaa natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland oo shalay ka qabsoontay degaannadaas.

Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan wakiillo badan oo ka socda Beesha Caalamka,waxaa ka mid ah Kormeerayaal reer Galbeed ah oo sheedda kala socda Doorashada Somaliland.

Kulankan wakiillada la yeesheen Murashax Cirro, ayaa ahaa mid khuseeyey arrimaha Doorashada iyo weli ba sida oo kale caqabadahii kala duwanaa ee soo wajahay Xisbiga WADDANI si ay si dhab ah xog-oggaal ugu noqdaan qaabkii ay u dhacday Doorashadu iyaga oo sida oo kale na kala hadlay xiriir diblomaasiyaddeed ee ay wada yeelan doonaan haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO 

Muuse Biixi Cabdi,C/Raxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa ku hardamaya doorashada shalay ka dhacday degaannada Somaliland.

Waxaana maalmaha soo socda la filayaa in Guddiga doorashada shaaciyaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee 5ta Sano ee soo socota.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)