Daawo:Muuqaal Dood Badan Dhaliyay Oo Laga Soo Duubay Horyaalka Turkiga Oo Ugu Danbeyn Jawaab Loo Helay

Maalintii Axada, muuqaal laga soo duubay taageere ayaa dood badan ka dhaliyay baraha bulshada ka dib markii ay kaamirada qabatay isagoo sigaar cabaya ka hor kulankii ay kooxda Bursapor 2-1 kaga badisay Fenerbahce ee horyaalka Turkiga.

Taageeraha oo ku labisnaa maaliyada caanka ah ee kooxda Bursapor ayaa u muuqday qof aan ka weyneyn 10 jir laakiin waxa uu ahaa mid cabaya sigaar iyadoo wiil kale oo da’ yar uu garab fadhiyay garoonka Timsah Arena.

Dad badan ayay amakaak ku noqotay inay arkaan wiil yar oo sigaar ku dhex cabaya garoon dhexdiisa. Laakiin sida la madooyay ma noqonin.

Qof walba ayaa mooday in qofka sigaarka cabayay uu yahay ilmo yar laakiin News 1 ayaa sheegtay in qofka sigaarka cabaya uu yahay nin 36 sanno jir ah, islamarkaana wiilka garab fadhiya uu yahay wiilkiisa.

Waxaa ugu danbeyn soo gabagabowday dooda ku saabsan in qofka sigaarka cabaya uu yahay ilmo yar iyadoo haatan la ogaaday inuu yahay aabe garab fadhiya wiilkiisa oo sigaar cabaya balse muuqiisa uu u egyahay mid caruureed.

Dalka Turkiga waxaa ka mamnuuc ah in sigaar lagu cabo goobaha ay dadka isagu yimaadaan oo ay ku jirto garoomada kubada cagta, sidaasi darteed taageerahaan waxa uu wajihi karaa ganaax 13 ginni ah.