DAAWO:MD Xasan Sheekh oo jawaab siweyn looga yaabay siiyay MD Waare xili oo soo wacay asagoo garoonka kusugan

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay garoonka Beledweyne ee keenay in muddo badan dib u dhacaan magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay been tahay xayiraad la saaray wafdiga madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu isagu la wadaagay warbixinta roobka ku da’ay Garoonka Beledweyne oo ahayd inaan lagu degi karin, siib diyaaradaha waaweyn.

Madaxweynaha Hirshabeelle aya sheegay inuu telefoon ka wacay Madaxweyne Xasan Sheekh una sheegay inaan diyaarad u duuli karin Garoonka Beledweyne, balse uu nasiib darro si kulul ugu jawaabay isagoo ku yiri: &Maxaa kaa galay Duulimaadyada rayidka (Civil Aviation).. ayuu yiri Madaxweyne Waare oo xaqiijiyey inay isaga iyo Ra’iisal wasaaraha maanta ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, balse ay ka baaqsadeen.

#SNTV

Madaxweynaha #Hirshabeelle oo beeniyey in Madaxweynayaashii hore ee dalka loo diiday iney ka dagaan #Garoonka Magaalada #Beledweyne.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Sunday, November 10, 2019