Daawo:Dhacdo siweyn looga hadal haayo Xajka sanadkaan oo noqotay mida ugu hadal heynta badan..

Dhacdo siweyn looga hadal haayo warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwooda musliinta ayaa kadhacday dalka Ghana kadib markii warbaahinta qaranka ee turkiga halkaas ka sameneyse barnaamish kusaabsan dadka muslimiinta ah ee halkaas ku nool.

Barnaamishkaas ayaa lagu duubaaye qalab casri ah waxaana kamid ahaa kaamirooyinka loo yaqaano Drones waxaana lashegayaa in kusoo dhacday meel oo kusugnaa oday waayeel ah.

Wariyaha barnaamishka duubaaye ayaa u tagay odayga oo gacanta ku haayo waxaan yar oo layaabanaa waxaana oo weydiyay sawir qaadihii in oo ku tagi karo xajka diyaaradaan yar si usoo guto waajibaadka.

Sawir qaadaha oo layaaban hadalka odaygaan ayaa sheegay in oo ku tagi karin balse sawir oo ka qaaday iyo sheekadii dhex martay asaga iyo odayga ayuu soo dhigay bogiisa twitter balse toban daqiiqo gudaheeda waxaa kasoo jawaabtay wasaarada arimaha dibada ee turkiga tasoo safaarada Ghana ku amartay in odaygaas sanadkaan u qaadaan xajka.

Odaygaan oo lagu magacaabo Xasan Cabdullahi ayaa kamid noqday malaayiinta muslimiinta ah ee sanadkaan ka qeyb galaayo acmaasha xajka.

Isku soo wada duub odaygaas waayeelka ah ayaa niyada ku haayay in mar un oo tago dhulka barakeysan inkastoo oo lacag u heyn balse alle ayaa u rumeeyay hamigiis si fudud waxaana noqotay dhacdada ugu hadal heynta badan Xajka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)