(DAAWO) Xasan Sh oo sii go’aamiyay Natiijada Doorashada Beri, Yaase Halis ku noqon kara Sh Shariif Mise Farmaajo

Musharaxa madaxweynaha Xasan Sh Maxamuud ayaa maanta cadeeyay awooda uu ku leeyahay barlamaanka dhexdiisa kadib markii ku dhawaad 210 mudane oo barlamaanka katirsan ay maanta usheegeen in codkooda siin doonaan.

Taas ayaana go’aamineysa in beri uu noqon doono madaxweynaha Soomaalia, maadaama uu haysto taageerada xildhibaanada ugu badan.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA XASAN SH & 200 Xildhibaan

Laakiin cabsida ugu xoogan ee u qabo ayaa ah in musharax Sh Shariif uu tartan xoogan sameeyo marka doorashadaas lagu jiro, iyadoo xildhibaanada qaarkood ay yihiin kuwa daacad u ah madaxweynihii hore Sh Shariif.

Sidoo kale musharax Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kamid ah xubnaha siyaasada lama filaanka ah ka keeni kara doorashada beri oo arbacaha ah dhaceysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)