DAAWO: Wasiirada Maryam Qaasim oo Fariin Damqasho leh jeedisay Kadib markii la ansixiyay

Wasiirada cusub ee dhanka gargaarka Marwo Maryam Qaasim ayaa fariin qiiro leh la wadaagtay dadka Soomaaliyeed saacado kadib markii ay golaha wasiirada codka kalsoonida ka heleen barlamaanka.

Maryam Qaasim oo lagu yaqaan damqasho iyo wax tar wanaagsan ayaa ka hadashay xaalada dalka gaar ahaan heerka ay gaarsiisan tahay abaarta Soomaaliya ka jirta.

Wasiirada Gargaarka xukumada RW Kheyre ayaa si dheer uga hadashay sida ay tahay in dadka Soomaalida ah ay garbaha isku qabsadaan oo ay isu takuleeyaan.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAAL DAMQASHO LEH

Sidoo kale waxaa ay si dheer uga hadashay waxyaabaha horyaal wasaaradeeda oo ah mid ku cusub xukumada Soomaaliya laakiin si weyn loogu baahnaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay