Home WARARKA DAAWO WAREYSI: Wasiir Juxa oo Sheegay In Soomaalidu Dagaalsan tahay Soona Bandhigay...

DAAWO WAREYSI: Wasiir Juxa oo Sheegay In Soomaalidu Dagaalsan tahay Soona Bandhigay Arin lagu heshiin karo

2
0

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay shirii dib uheshisiiinta ee ka furmay magaaladda Muqdisho.

“Shirkan Muhiimad ayuu leeyahay waana mid looga hadlayo hanaanka dib uheshiisiinta Soomaaliya, tanoo kale 10 sano kahor ayuu dhacay, waxaana qorshaha uu yahay in xal looga gaaro arimaha ay Soomaalidu isku haysato”ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiirka ayaa sheegay in baahi xoogan loo qabo in dadka Soomaaliyeed ay iscafiyaan, taasna ay ka shaqeyneyso dowladda MD Farmaajo iyo RW Kheyre.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

Mr Juxa ayaa tilmaamay in qorshaha uu yahay isku keenida umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan kuwa gudaha dalka ku sugan “Waxaa uu socon doonaa shan maalin shirkaas”.

Wasiir Juxa ayaa dhanka kale qiray in Soomaalidu ay dagaalsan tahay loona baahan yahay in xal dhab ah laga gaaro.

Sidoo kale wasiirka oo ka hadlay arimo kale oo xasaasi ah ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya bartamaha Soomaaliya iney dagaalka joojiyaan oo arinta lagu dhameeyo wadahadal.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here