Home ARIMAHA BULSHADA Daawo: War degdeg ah oo kiciyay quluubta Muslimiinta oo naga soo gaaray...

Daawo: War degdeg ah oo kiciyay quluubta Muslimiinta oo naga soo gaaray Kacbada Barakeysan…

2
0

Habaar Qabe isku dayay in uu dab qabadsiiyo Kacbada Barakeysa ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa Gacanta ku dhigay ciidanka Amaanka ee Boqortooyada Dalkaasi.

Barta Twitter-ka Ciiddanka Ammaanka ee Kacbadda Barakaysan ayaa lagu faafiyey Muuqaal Video Yar “Clip Video” oo ku saabsan Isku-daygaas la fashiliyey.

Eeedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay, xilli uu faraha kula jiray dembigaasi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wargeyska Al-waddan ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen inay Ciiddanka Ammaanka ku guuleysteen inay qabtaan Eedeysanahaasi, xilli uu Bansiin uu watay ku daadinayey meel ku dhow Barxadda Kacbadda si uu Ololka dabkaasi u saameeyo Kacbadda.

Balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan Falkaasi caddowtooyadda leh.

Dhinaca kale, Boliska Sacuudiga weli wax war ah kama soo saarin magaca Eedeysanaha iyo Waddanka uu ka soo jeedo iyo Faahfaahinada kale.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here