DAAWO WAR CUSUB: Somalia & S/Land oo Kulankii ugu horeeyay yeeshay & Madaxweyne Farmaajo oo qorshihii badalay.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa yeeshay wadahadalkii ugu horeeyay tan iyo markii Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay magaaladda Istambuul ee dalka Turkey ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahano ka kala socday Somalia iyo Somaliland, waana shir aad xasaasi u ahaa sida ay sheegeen qaar kamid ah xubnihii ka qeyb galay.

HOOS KA DAAWO NATIIJADA KULANKA

Inkastoo madaxda dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin shirkan, hadana wafdigii Somaliland ayaa sheegay in wadahadalka uu ahaa mid xasaasi ah lana doonayo in dhanka aqoonyahanada ay fursad uhelaan in wadahadalka ay ka qeyb qaataan sidaasna ay Turkey uga kulmeen.

Somaliland ayaa dhanka kale shaki gelisay dhex-dhexaadnimada Turkey maadaama ay tahay dowlad mar walba taagerta dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xili hore balan qaaday in Somaliland uu kusoo dari doono Somalia

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamad says:

    Somalia iyadiiba kala yaacday ee ha isku daro.
    waxaa ka daran shantii Somaliyeed ayaa sii kala irdhowday .calanka xidigta lahaa shantii gees waa laga rifay.. .Somalia waxaa laga raba in ay doortaan nin iyaga u shaqeeya oo aan ku mashquul Somaliland oo beri hore ka tashatay