DAAWO VIDEO: Sawirka Qalbi Dhagax Oo Lagu Arkay Johannesburg & Dad Careysan Oo…

Hadal heyn Xoogan, ayuu Soomaalida Dal iyo Dibad ku dhaqan ku reebay C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax Arintiisa oo Dawlada Itoobiya loo gacan geliyey.

Soomaalida ayaa ku kala Aragti duwanaatay Qaabka loo dhiibay Qalbi dhagax waxayna dadka qaar sheegeen in Dawlada Soomaaliya Go’aan Sax ah qaadatay kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

RIIX HALKAAN SI  AAD UDHAGEYSATO CODKA

Xitaa Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaaliya ayaa ku kala Qeybsamay Arinta Qalbi dhagaxa oo ay Sheegeen inuu khalad ahaa qaarna ay Sax ku tilmaameen.

Soomalida Deggan Magaalada Johannesburg Ee Dalka Koonfur Africa ayaa in kamid ah waxayiskugu soo baxeen Xaafada Soomaalida ku badan tahay magaaladaasi Ee Mayfar.

Waxay sheegeen inay ka xun yihiin in C/kiriin Muuse Qalbi Dhagaxa oo Muwaadin Soomaaliyeed ah loo gacan geliyo Dawlada Itoobiya,iyagoo Sawirkiisa watay ayna DFS ka dalbadeen inay dib usoo celiso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)