DAAWO VIDEO: Donald Trump oo Ceebeeyey Sacuudiga Sheegayna in Lacago Siiyeen

Socdaalkii uu Bilo ka hor ku tagey Dalka Sacuudiga Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald J.Trump ayuu faah faahin ka bixiyey waxyaabo Warbaahinta hore looga qariyey.

Telefishinka Caalamiga Ah Ee Al Jazeera Qeybtiisa Carabiga wax ku tebiya ayaa soo bandhigay Warbixin kusaabsan Wareysi laga qaaday Trump uu kaga hadlay Socdaalkiisa Riyaadh iyo Lacago ay Ka heleen Dalalka Khaliijka Carabta.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAAWATO MUUQAALKA

Waxa Trump uu Wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta CBN News ayuu hoosta ka xariiqay in Boqolaal Biyan Dollar ay Waddamada Khaliijka siiyeen si uu Dalka Sacuudiga Ubooqdo.

Waa Fadeexad Cusub oo hadii ay run noqoto Sacuudiga iyo Xulufadiisa ay la kulmi doonaan Kalsooni kala noqoshada Dalalka Islaamka ah.

Hore Sacuudiga ayaa taageero uhayey Mareykanka iyadoo Cilaaqaat Wanaagsana kala dhaxeeyo Waddankaasi oo ah mid Awood Ahaan Hadda Dalalka Dunida Horumaray ugu sareeya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)