Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland.
Ugaaska ayaa sheegay in is-qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn.
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya uu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee uu bulshada u hayay, islamarkana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa madaxtinimada Jubbaland.
Ugaaska ayaa sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay go’aanka uu qaatay, balse uu sidan u sameynayo maslaxada Jubaland.
Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qof kasta oo kusoo baxa doorashooyinka.
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo ah ugaasyada ugu waaweyn Jubaland oo danta dadkiisa u tanaasulay, taageerayna hanaanka geedisocodka doorashooyinka Jubaland ay u socdaan!Waxaa hadalka ugaasku soo afjaray gabaadkii ay ku hoos gabanayeen kuwii diidaanaa hanaanka doorashada Jubaland sida uu ku socdo. Waa ku mahadsan yahay uguaasku tallaabada uu qaaday.
Posted by Ahmed Moallim Fiqi on Monday, August 19, 2019