Daawo:-Somali-land oo Bahdishay Xasan Shiikh, si Layaabna ugu Hadashay Guusha Farmaajo

Maamulka Somali-land ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/laahi Kaasi oo noqon doono madaxweynaha Soomaliya afarta sano ee socota.

Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo warbaahinta u aqriyay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Somali-land ayaa sheegay in ka mamaul ahaan ay soo dhaweynayaan guusha uu gaaray madaxweyne Farmaajo.

Xuseen Aadan Cige (Dayr)  Afhayeenka Madaxtooyada somaliland ayaa sheegay in maamul Somali-land uu ugu digayo Madaxweynaha Cusub in uu maro wadadii ay horey u qaateen madaxweynayaashii Somaliya soo maray kuwaasi oo ku guuldareystay in ay xal ka gaaran wada-hadal nabadeed oo labada dhinac dhowr mar yeesheen.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) ayaa sheegay in Somali-land ay kamid aheyn Federaalism-ka oo lagu dhisay qaar kamid ah Maamul goboleedyada ka jira koonfurta Soomaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)