DAAWO SAWIRRO: Laga soo qaaday Dadkii ku sumooway War-biyoodka

Degaanka Masuubiye oo u dhaxeeya Awdiinle iyo Magaalada Baydhabo waxaa ku dhintay Dad biyo ka cabay War-biyood la sumeeyay.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 30 Qof ayaa ku dhimatay War-biyoodkan la sumeeyay, kuwaas oo isugu jira Haween, Caruur iyo Dad Da’ah, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ku dhowaad 10 Qof ayaa xaaladooda caafimaad waxa ay tahay mid daran, maadaama ay isticmaaleen Biyaha laga soo dhaamiyay War-biyoodka sumeysnaa.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay) ayaa baahin.net u xaqiijiyay warkan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)