Daawo sawirada:Xasan Sheekh Oo La Kulmay Xubnaha Damu Jadiid Ee DF-ka Ku Jira

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaannada Golaha shacabka gaar ahaanna kuwa Xisbigiisa PDP.

Kulanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa is xogwareysi iyo Qado uu Madaxweynihii hore u sameeyay Xildhibaannada ku jira Xisbigiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 30kii Bishii hore ku soo laabtay Muqdisho kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa doorashadii looga guuleystay kaddib.

Xasan ayaa markii uu yimid Muqdisho shir uu ku qabtay ka sheegay in uu u yimid in uu ogaado xogta dalka,waxaa kale oo uu xusay in uu marayo dhamaan Gobollada dalka oo uu booqan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here