Daawo sawirada:General Indho Qarshe Oo Maanta Gaadiid Dagaal U Galbiyeen Deegaanadii Al Shabaab…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa waxa uu maanta gaaray Deegaanadii ugu dambeeyey Ee Shabaab Laga saaray.

Deegaanadani waxay dhacaan Gobolka Sh/Dhexe,waxaana Generalka oo saraakiil ciidan horkacayey ay kormeereen Deegaanadaasi.

Indho Qarshe oo gaadiid badan ay galbinayeen maadaama deegaanadaasi Shabaab laga cabsi qabo inay weeraro kasoo qaadaan meelo udhaw ayaa waxay ciidanku ahaayeen kuwo aad ufeejignaa.

Taliyaha Xoogga waxa uu dhiiri geliyey ciidanka isagoo urajeeyey inay usabraan wax walbo oo kusoo gaara difaacida dalkooda iyo dadkooda.

Deegaanadii uu tegay Taliye Indho Qarshe waxaa ka mid ahaa Timire oo Gobolka Sh/Dhexe katirsan shabaabna dhawaan laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here