DAAWO SAWIRADA: Shir Aan Nuuciisa Muddo La Qaban oo ka Furmay Muqdisho

Shir Ballaaran ay soo qaban qaabisey Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Waxa Shirkaan uu yahay mid looga arinsanayo sidii Dib Uheshiisiin Soomaalida loo kala dhex dhigi lahaa.

Qaarkood dadka lagu Casuumay Shirka waxay soo jeediyeen Talo ahaan sidii Dib uheshiisiin loogu sameyn lahaa Dadka Soomaaliyeed.

Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Soomaaliya oo soo qaban qabaisey si gaar ah Shirkaan ayaa dhageysaneysa fikirka Kasoo qeyb galayaasha iyadoo War Murtiyeed Shirweynahaan Qaran Laga soo saari doono.

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa,Siyaasiga Cali Maxamed Geedi,Gudoomiyaha G/Banaadir Thabit Cabdi Maxamed,R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,Wasiirka Dib Uheshiisiinta HirShabelle Yuusuf Daba Geed iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Shirkaan kusugan.

Soomaaliya ayaa Dagaal ahli ah uu ka dhacay tan iyo markii ay meesha ka baxday Dawladii Awooda Badneyd Ee Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa,xilligaas wixii ka dambeeyana Dalka Dawlado Taag daran ayaa soo maray iyadoo shacabkuna uu Hubka gacantooda ku jiray mudadaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay