Daawo sawirada: Maxaadan Ogeyn oo looga hadlayaa shir muhiim oo maanta ka furmay Cadaado?

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG  ah Maamulka Galmudug ayaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegita Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana shirkaani daahfuray la taliyaha dhanka sharciga ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi.

Waxaa kasoo qeyb galay Shirkaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ka mid yihiin  wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.

Hay’adda Socdaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo Hay’addaasi, oo muhiim u ah bulshadda Soomaaliyeed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay