Home WARARKA DAAWO SAWIRADA: Farmaajo oo la dejiyay Hotelkii Xasan Sheekh la dejiyay 4...

DAAWO SAWIRADA: Farmaajo oo la dejiyay Hotelkii Xasan Sheekh la dejiyay 4 sano ka hor

2
0

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la dejiyey hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ahaa hotelkii la dejiyay Xasan Sheekh Markii xilka loo doortay 2012.

Ammaanka Madaxweynaha la doortay waxaa la wareegay ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM oo hotelka ilaalo ka haya, waxaana warbixin la siiyay ay ahayd in xaaladda ammaanka magaalada aysan deganayn.

Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in lagu weeraray Hotelka Aljazeera isagoo aan weli xilka la wareegin, waxayna kooxda Alshabaab weerar ku qaaday hotelka xilli ay ku sugnaayeen wafdi ka socday dowladda Kenya.

Kadib markii ay dhammaatay doorashada waxaa Hotelka ku soo ururray siyaasiyiin, madaxda dowladda iyo dad fara badan oo u hambalyeynayay Farmaajo, waxaana buux dhaafiyay siyaasiyiin doonaya inay madaxweynaha cusub isu muujiyaan.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here