(DAAWO) RW Kheyre oo arin uu kaga duwan yahay Ra’isul wasaarayaashii hore iclaamiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la imaaneyso waji cusub,kaas ku dhisan isla xisaabtan,sida u sheegay ra’iisul wasaaraha oo shalay la hadlayay shaqaalaha xafiiskiisa.

Xasan Cali Kheyre,wuxuu caddeeyay inuu ku dadaali doono nidaam kala dambeyn ah oo Xukuumaddiisa la timaado,asagoo marka sheegay nay billaabaneyso waqtigii isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Waxaa kalo uu sheegay in la ilaalin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda, isla markaana shaqaalaha qudhooda lagula xisaabtami doono shaqooyinka ay hayaan,waxaa kalo uu muhiim ku sheegay in laga doonayo hay’ad walba shaqadeeda inay ka soo dhalaasho.

“Waxaa ku dadaali doonaan nidaam kala dmabeyn inuu yimaado, idinkana xuquuqdiina la ilaaliyo, wax ka dhaxeyn doonaan ma jiri doonaan dadka inay halkan ka shaqeeyaan ama aanay ka shaqeyn, ma jiri doonto in xafiisyada dowladda oo dhan inay dad ku qoran yihiin ayagoo shaqeyneyn”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warkan sheegay,iyadoo loogu baaqayo inuu soo dhiso xukuumad og in lugula xisaabtamayo shaqadeeda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay