DAAWO: P/Land & Galmudug oo Markii ugu horeeyay Mideeyay ciidamadooda & Xiisadii dagaal oo Nabad loo badalay

Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa markii ugu horeeyay sameystay ciidamo isku dhaf ah xili wali deegaanada labadaas maamul ay ka taagan yihiin xiisado dagaal.

“Waxaa la yiri hal xubin baa jirkeenna ku jirta oo haddey caafimaad qabto uu jirka caafimaad qabo,haddii ay bugtana uu jirku wadda buki doono,waxaan darensanahay Mudug inay tahay wadnihii Soomaaliya.” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku darray. ” Waxaan rabnaa geed dheer iyo geed-gaabanba inan ku korno sidii aan caafimaad ugu heli lahayn,waxaana illahay ka rajeynaya kuwii ku guuleysta inuu naga dhigo.”

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa munaasabadda ka sheegay inay mar-qaati ka yihiin dhisida nabadda gobolka Mudug,wuxuuna inta ku darrey in loo baahanyahay sidii gacmaha la isku qabsan lahaa oo socod lugu mari lahaa Gaalkacyo iyo deegaannada kale,si bulshada loogu wargeliyo nabad in la-yahay oo ay dadku walaalo-yihiin,sida u sheegay.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA & GO’AANADDA

“Waxaan rabaa annigo ku hadlaya magaca reer Galmudug,shacabka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed inan ballan-qaadno maanta laga billaabo inan nabadda ka shaqeyno.” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Tababarka la isugu dhafayo ciidamada Puntland iyo Galmudug,waxaa ka caawineysa Qaramada Midoobay,sarkaal u hadlay oo munaasabadda ka qeybgalay wuxuu sheegay ciidamada ujeedka loo tababarrayo inay tahay sidii ay usoo celin lahaayeen kalsoonida iyo wada-jirka labada dhinac ah,wuxuuna inta ku darrey in laga doonayo saraakiil hirgelisa nabadda gobolka.

Saraakiisha ciidamada amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada ayaa ugu dambeyntii munaasabadda ka sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada tababarka booliska la siinayo ee sida wadajirka ah uga howlgallaya magaalada Gaalkacyo,marka ay tababarka dhammeystaan.

Tababarka ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo ciidan matalaya Galmudug iyo Puntland hal-goob ku wada qaatan,khilaf dhinaca ammaanka ah oo marar badan dagaal dhaliyey ayaa dhex maray labada maamul oo waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ka taliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)