DAAWO MUUQAAL: Somaliland & Shirkadda Turkish oo Ku heshiin Waayay Qodob Yaab Leh

Wafti ka socday shirkadda duulimaadka Turkish Airlines oo shalay magaalada Hargeysa booqday ayaa waxay la kulmeen wasiirka duulista hawada maamulkaasi Farxaan Aadan Heybe iyagoo ka wada hadlay suuragalnimada in shirkadda Turkish ay duulimaad ka bilowdo garoonka Hargeysa iyo dib u dhis lagu sameeyo garoonka oo terminal casri ah yeesho.

Wada hadaladaasi ayaa qaar la isku afgartay halka qaar kale dib loogu balamay in lasii amba qaado, waxaana ka mid ah in duulimaadka diyaaraddii ka tagta Hargeysa aysan sii mari doonin Muqdisho, tan ka Xamar ka timaadana aysan soo mari karin Hargeysa, qodobkaasi oo dib u dhigay in Turkish Airlines ka howl bilowdo Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay usoo bandhigeen maamulka shirkadda Turkish Airlines in duulimaadka tooska uu noqdo Istanbul, Jabuuti to Hargeysa, Hargeysa, Jabuuti to Istanbul.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA

Hase ahaatee waxaa muuqda in qodobkaasi aysan aqbalin shirkadda Turkish Airlines, sababtuna waxay tahay iyadoo ay adag tahay in hal duulimaad lagu khasaariyo Hargeysa oo aan la ogeyn in laga heli doono, hase ahaatee diyaaradda Jabuuti timaada ee soo marta Muqdisho in ay damacsan yihiin inay iyaduna noqoto tan mari doonta Hargeysa.

Wasiir Farxaan ayaa ka warbixiyay qodobadii ay ku heshiiyeen maamulka shirkadda Turkish Airlines iyo qodobadii ay dib u dhigteen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)