DAAWO: Musharax Cumar C/Rashiid oo Sir badan Fashiliyay: Sedex Qodob oo ay qasab tahay inaad ka ogato Qorshaha….

Musharaxa Xilka madaxweynaha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta horyimid Saxaafada Soomaaliya isagoo arimo xasaasi ah shaaca ka qaaday.

Waxaa uu si weyn udhaliilay dowladaha dariska la ah Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in danaha ugaarka ah ay ka wataan Soomaaliya.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA & XOGTA DHABTA AH

Hadaba Sedex Arin ayaa ay qasab tahay inaad ka fahanto hadalka kasoo baxay musharax CC

1- In Dalka uu ku jiro gumeysi uga imaanaya dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan kuwa dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya

Musharaxa ayaa sheegay in ciidamada ay kaliya dalka ujoogaan nabad ilaalin laakiin haatan uu dareemayo in howlo intaas ka weyn ay fulinayaan dowladaha ay kasoo jeedaan.

2-  In Dowladaha dariska ah ay Musharaxiin ugaar ah wataan: Musharax CC ayaa shaaca ka qaaday wal walka uu ka qabo in Soomaaliya ay noqoto dal madax banaan maadaama dowlado dariska ah ay wataan musharaxiin.

Isagoo si hoose arintaas ugu dan leh madaxweynaha haatan xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh Maxamud oo ay garab weyn siineyso dowlada Itoobiya ayaa waxaa uu tilmaamay in arintaas ay halis ku tahay qaranimada Soomaaliya

3- Maamul Goboleedyada oo ku jira gacanta Itoobiya: Musharax CC ayaa shaaciyay in dowladaha dariska ah ay maamul goboleedyada ku qasbayaan iney ucodeeyaan musharax gaar ah oo ay xildhibaanada deegaanadooda kasoo jeeda ku qasbaan in la doorto musharaxa ay wataan.

Itoobiya ayaa ku amartay Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Puntland iney doortaan Xasan Sh Maxamuud hadii kale ay ugu hanjabtay iney culeys weyn saari doonaan.

Si kastaba, Shabakada Wararka baahin.net ayaa xili hore idiin soo gudbisay in Xasan Sh uu magaalada Adis Ababa kula kulmay madaxda dalkaas Itoobiya isagoo ku wargeliyay qorshahiisa sanadaha soo socda, dowlada Itoobiya ayaana ubalan qaaday iney ku dadaali doonto inuu mar kale kursiga kusoo laabto

La soco Xogaha iyo dhacdooyinka qarsoon ee Soomaaliya baahin.net


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)