DAAWO: Murashax Ku Qornaa Inuu Khudbad Ka Jeediyo Jowhar Maanta oo Hal Arin Ubaajiyey

Sida Qorshaha uu Ahaa Maanta waxaa la filayey in afar Murashax ay Khudbadahooda ka jeediyaan Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/Dhexe Balse Mid ka mid ah ayaan Khudbada jeedinin.

Seddex Murashax ayaa khudbadahooda ka jeediyey Magaalada Jowhar Maanta oo arbaco ah iyadoo C/naasir Xaaji Shirwac uu ka Maqnaa Jowhar sidaa awgeedna Khudbadiisa berri oo Jimco ah loo ballamay.

Murashaxiinta Maxamed Cabdi Waare,Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo iyo C/kiriin Cali Nuur ayaa khudbadahooda la dhageystay kuwaasi oo mid walbo uu soo bandhigay waxa uu qaban doono hadii loo doorto Hogaamiyaha HirShabelle.

Wararka waxay sheegayaan in Khamiista Berri ay Khudbadahooda jeedin doonaan ilaa Shan Murashax uu Yuusuf Daba Geed,Daahir C/Dulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diiroow ay ka mid yihiin.

Jimcaha waxay tahay maalin Nasasho iyadoo Sabtida oo 16 Bisha Ku Beegan ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka HirShabelle,sida Gudiga Qaban qaabada Doorashada ay sheegeen.

Mid kasta oo ka mid ah Murashaxiinta Sideeda ah Ee Xilkaasi utaagana waxaa laga qaaday Lacag dhan 8 Kun Dollarka Mareykanka Ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)