DAAWO: MAXAA KASOO BAXAY Kulankii MADAXWEYNE FARMAAJO, Gaas, Shariif Xasan, Cosoble, Guuleed, Yaa ka maqnaa kulanka?

Madaxweynaha la doortay, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya sida laga soo xigtay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali.Cabdullaahi Cosoble.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen, Madaxweynaha Maamulada kala ah Puntland, Cabdiweli Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble a ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

Cali Cosoble ayaa sheegay in kulankan uu ka maqnaa kaliya Madaxweyne Axmed Madoobe, balse Madaxweynayaasha ay joogeen, isagoo xusay in kulankan uu ahaa mid uu ku casuumay Madaxweynaha cusub, si ay isku arkaan, isla markaana looga wada shaqeeyo hanaanka dowladnimada.

“Madaxweynaha ayaa na casuumay, waxaa ka wada hadalnay in la wada shaqeeyo, horay loo socdo, Madaxweynuhu uu garbo u noqdo dalka, dowlad goboleedyadana ay garbo u noqdaan, si niyad sami leh ayuu noogu soo dhamaaday, waxaa kulanka ka maqnaa Madaxweyne Axmed Madoobe oo aan isaga Xamar joogin”ayuu yiri Madaxeynaha Hirshabeelle.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay dareenka shacabka ee soo dhoweynta Madaxweynaha cusub ayuu sheegay inuu aad u sareeyo, balse loo baahan yahay in wada shaqeynta ay noqoto mid joogto ah oo aan xiiso kaliya noqon.

“Dareenka shacabka aad iyo aad ayuu u sareeyaa, balse xaqiiqada waxay tahay anaga hadaan shacabka Soomaaliyeed nahay waa xiiso badanahay, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii la doortay, sidaas aheyd, Sheekh Shariif markii la doortay sidaas aheyd, Xasan Sheekh markii la doortay sidaas aheyd, hadana Farmaajo markii la doortay waa sidii, xiisaha waa fiican yahay, xiisaha in aan la dhigin, lala shaqeeyo Madaxweynaha, dowladda horay u socoto, sidaas waaye”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)