DAAWO: Madaxweyne Xasan Sh & Gudoomiyaha Xisbiga Daljir Fiqi oo Heshiis Xasaasi ah ku gaaray Turkey & Xildhibaanadii Damu-jadiid iyo Daljir uu uheshiiyay Dowladda Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa gurigiisa magaaladda Istanbul ee dalka Turkey ku casuumay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan golaha aqalka sare.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay in Xasan Sh uu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan kala heshiiyay arintaas kadib kulan ay ku yeesheen dalka Turkey.

Qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ayuu Fiqi ku sheegay inuu la heshiiyay madaxweyne hore Xasan Sh “Doqoni meeshii lagu dagaalay ayay ogeyd ee ma aysan ogeyn halkii lagu heshiiyay” ayuu soo qoray Fiqi

RIIX HALKAN: DAAWO XOGTA OO DHAN

Fiqi ayaa yiri” Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay.

Sidoo kale waxaa uu soo qoray “Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha.

Heshiiska Xasan Sh iyo Fiqi ayaa kusoo aadaya xili magaaladda Nairobi dhawaan looga dhawaaqay madal ka kooban 100 xildhibaan.

Xildhibaanadan ayaa si weyn uga soo horjeeda dowladda gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo xukumadda Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa sidoo kale muujineysa iney xildhibaanada DAMU-JADIID iyo Daljir ay ka mideysan yihiin siyaasadda lagu diidan yahay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Inkastoo madaxweyne Xasan Sh uu isna bogiisa Facebook kusoo qoray in dowladda ay ubaahan tahay waqti, hadana kulankan uu la yeeshay hogaamiyaha xisbiga daljir ee uu hogaamiyo Fiqi ayaa cadeyneysa inuu kamid yahay dadka sida weyn udiidan dowladda cusub.

La soco Wararkii soo kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ilya says:

    kkk
    doqonimo daawo loo waa!
    dantood magarato! ma adaa arkaybo.
    hhh