Home WARARKA DAAWO: Madaxweyne hore XASAN SH oo Hadal farxad gelinaya MD Farmaajo kaga...

DAAWO: Madaxweyne hore XASAN SH oo Hadal farxad gelinaya MD Farmaajo kaga tagay Muqdisho & Xiliga uu soo laaban doono

1
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyadoo si heer sare ah loogu sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeedii maanta oo jimco ah, waxaana sagootiyay gudoomiye Jawari, Wasiiro iyo xubno kale oo dowlad aah.

Xasan Sh ayaa markii uu ka tagayay Muqdisho niyadda udajiyay shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay iney qasab ku tahay in la garab istaago dowlada cusub ee Soomaaliya.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA XASAN SH

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doono, isagoo ugu baaqay shacabka inay Dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lana garab istaago Dowladda Federaalka.

Baaqa madaxweyne hore Xasan Sh Maxamuud ayaa muujinaya sida uu ugarab taagan yahay dowlada cusub ee Soomaaliya taas oo ilaa haatan la sugayo dhameystirkeeda.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here