Home WARARKA DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Xeelad Cusub lasoo baxay & Labo Beel oo...

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Xeelad Cusub lasoo baxay & Labo Beel oo uu qancin doono

2
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa albaabada ka soo xirtay odayaasha iyo Xildhibaanada beelaha kale ee Soomaaliyed isagoo muhiimada koowaad siiyay oo keliya Beelaha H/gidir iyo Muddulood.

Sida ay sheegayan wararka shalay ayuu la kulmay odayaal iyo Xildhibaano ka socday beesha H/gidir, waxayna ka wada hadleen xaalada dalka gaar ahaan waxyaabaha ku soo kordhay Magaalada Muqdisho oo u badan dilalka abaabulan,qaraxyada iyo abaarta dalka ka jirta.

RIIX HALKAN: WARARKII UGU DAMBEEYAY EE MAGACAABIDDA WASIIRADA

Sidoo kale kulankan ayaa lagu soo qaaday dhismaha Golaha Wasiirada iyo saami qeybsiga beelaha Hawiye gaar ahaan xilalka ay heli karaan beesha Habar Gidir.

WARAR DEG DEG AH HALKAN KA AKKHRI

Wasiir (A) Wasiir kuxigeeno, Wasiiru Dowli iyo Taliyaha Nabad sugida ayay beesha H/gidir balan qaad ah ka heshay Madaxweyne Farmaajo.

Maanta oo Jimcaha ayaa la sheegayaa inuu madaxweyne Farmaajo la kulmayay odayaal iyo Xildhibaano ka socda Beesha Muddulood, waxayna ka wada hadlayeen saamiga qeybsiga beesha ka heshay Golaha Wasiirada.

Beesha Muddulood ayaa waxaa la siinaya labo Wasiir (B) iyo wasiir kuxigeeno, waxaana loo dhaafaya Gobolka Banaadir iyo Dekedda Muqdisho.

Dhinaca kale Xildhibaanada iyo Beelaha kale ee Soomaalida ayaa laga xirtay albaabka, waxna muhiimad ah oo wada tashi ah ma uusan siinin madaxweynaha sida Newsomali u sheegay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka albaabka laga xirtay waxaa ka mid ah Guddoonka aqalka sare, mana jirto wax wada tashi ah oo lala yeeshay aqalka sare.

KU LAABO BOGGA KOOBAAD & WARAR DEG DEG AH

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here