DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo ka xanaaaqay Arin ay sameeyeen J.Land, K.Galbeed & H.Shabeelle, kana walwalsan Heshiiska P.Land ee….

Madaxaweynaha DF ayaa aad uga xanaaqsan sida ay dowladiisa caqabad weyn ugu yihiin maamul goboleedyada dalka kuwaas oo awood la mid ah tan dowlada isticmaalaya.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan ka xanaaqay in madaxda maamul goboleedyada ay saf ugaleen iney la kulmaan xoghayaha arimaha dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, xili uu soo booqanayay magaaladda Muqdisho.

Xoghayaha ayaa arimaha Soomaaliya kala hadlay madaxweyne Farmaajo, waxaana uu la yaabay sida ay maamul goboleedyada dalka ay arimo taas lamid ah ay xoghayaha ugala hadleen.

RIIX HALKAN: JOHNSON OO KA XAMAALAYA MUQDISHO

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu fariimo udiray madaxda maamul goboleedyada isagoo uga digay in arinta ay sameeyeen ay dhaawaceyso qaranimadda Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Maamuladda Jubbaland, Koofur Galbeed, Hiirshabeele iyo wakiilo ka socday maamuladda kale ayaa si lama filaan ah loogu arkay iyagoo ku sugan Muqdisho sababo la xariira la kulanka Xoghayaha dibadda Ingiriiska.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ka wal walsan in maamulka Puntland uu heshiis la galo dowlada Imaaraadka taas oo dooneysa iney militerigeeda ku baahiso Soomaaliya.

RIIX HALKAN: DAAWO MD FARMAAJO OO HADLAYA

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa ku sugan imaaraadka isagoo kala hadlaya hirgelinta mashruucaas oo ay Imaaraadku kula wareegeyso dhulka muhiimka ah ee Boosaaso.

Si kastaba, madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Imaaraadka iyo Puntland uu dhibaato ku yahay dowlada dhexe maadaama danaha Imaaraadka uu ka leeyahay Soomaaliya uu yahay mid aan la aqbali karin.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ka gudbisay Imaaraadka Dacwad ku aadan saldhiga ay ka dhisaneyso magaaladda Berbera taas oo cabsi gelisay wadamada gobolka.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa horey ubalan qaaday iney la shaqeyn doonaan oo ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, hase ahaatee waxaa muuqata in isku dhexyaac iyo kalsooni daro ay ka dhex jirto dowlad goboleedyada iyo madaxtooyadda Soomaaliya.

RIIX HALKAN: KU LAABO BOGGA KOOBAAD WARARKII UGU DAMBEEYAY


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay