Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur Wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminayeen Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya.
Wafdigan ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinta labada degaan, Odayaal dhaqameedka deegaanka labada degaan iyo marti kale. waxaana wafdiga soo dhawayn kala hortagay shacabka magaalada oo yar iyo waynba isugu jiray.
Wafdiga ayaa inta ay Dhagax-Buur joogaan kulamo la qaadan doona Shacabka magaalada, Wafdiga ayaa lagu wadaa in ilaa maanta ay halkaa ku sugnaadaan.

