DAAWO: Hormar ay masuul ka yihiin Madaxda DFS oo Muqdisho ka socda & Wadooyin la dhisay

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku socda dhismo lagu soo celinayo bilicdii iyo nadaafadii, waxaana olalahaas hormuud ka ah madaxda DFS iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ra’isul Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre iyo Duqa Muqdisho ayaa horey udhagax dhigay qorshe laami cusub lagu saarayo wadooyinka muhiimka ah ee degmooyinka Hodan iyo Warta Nabadda waxaana haatan soo dhamaaday wajigii koobaad ee laami saaridda iyo qurxinta.

Madaxda degmada Hodan iyo shirkadda dhiseysa ayaa ka warbixiyay dareenkooda kadib markii ay bil ka dib dhameystireen saaridda laamiga jid ay adkeyd iney gaadiidka isticmaalaan.

Horey ayuu madaxweynaha DFS sheegay in magaaladda Muqdisho laga dhigi doono meesha ugu bilicda wanaagsan Afrika.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)