DAAWO: Gudoomiyaha midnimada Beelaha Hawiye Ayaa Sheegay In waxba kama jiraan Ay tahay inuu ka hor-yimid dowladda Farmajo

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda.

Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Hawiye, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya  Farmaajo.

Wararkaan ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba kama jiraan Ay tahay inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin.

       HOOS KADAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here