DAAWO: Gudoomiyaha Aqalka Sare oo soo saaray Digniin Cusub & Xildhibaano lagu dhegan yahay

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa waxaa uu soo saaray digniin uu kaga hadlayo in fara-gelin lagu sameeyo Hay’adda Garsoorka Dalka.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in dowladdu ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka, mid kastana loo baahan yahay in shaqadiisa lagu texgeliyo.

“Dowladdu waxay ka kooban tahay saddex qaybood. Waa Garsoorka, Baarlamaanka iyo Xukuumadda, mid weliba wuxuu leeyahay shaqadiisa gaarka ah, mid walba waa in lagu tixgeliyaa oo lagu aqoonsadaa, loona daayaa shaqada uu gaarka u leeyahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay haddii aysan taasi dhicin oo fara-gelin lagu sameeyo Garsoorka, uu fillayo in aanu dalka ka bixi doonin dhibaatada uu maanta la foollanayo.

“Haddii aynaan taas samaynin oo aanu Garsoorka ka madax bannaanaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, oo ay noqoto in la’isku milmo oo shaqadii Garsoorka ay Xukuumadda fara-geliso, Baarlamaankiina fara-geliyo, waxaan fillayaa dhibaato kama baxayno.”

Dhanka kale, Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay inuu ka yaaban yahay talaabooyinka ay qaadayaan xildhibaanada Golaha shacabka ee aqalka hoose kuwaas oo mar walba utaagan iney mooshin keenaan.

Arimaha kale ee uu ka hadlay waxaa kamid ah sababta ka dambeysa in xildhibaanada qaranka aysan booqan deegaanadii laga soo doortay mudadii bilaha aheyd ee ay fasaxa ku maqnaayeen.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)